Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku loolamaaya dilalka Shacabka & dilal ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ka howlgala barkontorool ku yaalla wadada shaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in si bareera uu u toogtay wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

Askarigaan ayaa la sheegay in Seddex baalooto uu wiilka Bajaajlaha uga dhuftay qeybaha sare ee Jirka, waxa uuna u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaasta lagu dhuftay.

Mid kamid ah bajaajlayaasha ayaa sheegay in wiilkaasi loo dilay lacago shaxaad ah oo uu diiday, waxa uuna intaa ku daray in dowlada Somalia laga doonaayo inay cadeyso in ciidamada ay adeegsaneyso ay yihiin waxa uu ugu yeeray ******** ama ay yihiin ciidamo Qaran oo sharci u taagan.

Dilka labaad ayaa goordhow oo saaka ah ka dhacay degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ex-control Balcad oo lagu dilay ruux shacab ahaa.

Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa geystay koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dadka degaanka ay sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarada degmada ee sida aadka ugu wanaagsan abaabulka gaar ahaan xilliyada ay jiraan Ciyaaradaha iyo Banaanbaxyada.

Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu dilka u dhacay, waxaanan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay degmada Hilliwaa.

Dilalka dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo ay ku loolamayaan ciidamada dowlada iyo al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta al-Shabaab iyo ciidamada dowlada, mana jirta cid fal celin ka sameysa dilalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku loolamaaya dilalka Shacabka & dilal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this