Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Dilalka Bishii February ee 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii February ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada.

Dilalka bishii February ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo  Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wada jir iyo Waabari.

HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA LA OGYAHAY EE MUQDISHO KA DHACAY BISHII FEBRUARY

1-February 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Waabari gaar ahaan Agagaarka Buundooyinka ku toogtay mid ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud xili uu kusii jeeday shaqadiisa.

2- February 7, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa Xaafadda Jaamacadda Gaheyr, ee Degmada Hodan ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Militariga oo lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseen Barqadle.

3- February 13, 2018, Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa Degmada Wadajir ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Jilic oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.

4- February 15, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag dhanka Masjidka Xareed ku toogteen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

5- February 15, 2018, Ciidamada AMISOM ayaa bar-kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka ku dilay 3 Ruux oo midi uu yahay Askari.

6- February 25, 2018, Ciidamada Somalia ee tababareen Imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan ku toogtay Bajaajle lagu magacaabo Hanad Maxamed Xasan.

7- February 26, 2018, Askari ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Darawalka gaariga u kaxeynaayay Guddoomiyaha Degmada.

8- February 27, 2018, Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa Xaafada Sarkuusta ee duleydka magaalada Muqdisho ku dishay mid kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

9- February 28, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan eeryada Shaqaalaha ku dilay wiil Mooto Bajaajle ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso: Dilalka Bishii February ee 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this