Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa Qarax ayaa bishii February ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii February ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay.

Qaraxyada dhacay bishii February ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA KA DHACAY MUQDISHO BISHII FEBRUARY 

1-February 4, 2018, Qarax ayaa waxa uu ka dhex dhacay Hooy ku yaala Xaafada oodweyne degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay laba ruux oo Hooyga degnaa.

2-February 9, 2018, Weerar loo adeegsaday laba Bamgacmeed ayaa waxaa lagu qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degnaa Taliyihii hore ee howlgalinta ciidamada Nabadsugida Maxamed Abuukar Jacfar.

3-February 13, 2018, Miino ay ku cayaarayeen Carruur Darbi Jiif ah ayaa ku Qaraxday Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, waxaana ku dhintay hal ruux.

4-February 15, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Via Liberia ee Waaxda Horseed, waxaana Gaari nooca Spacio ahaa loogu xiray Askari ka tirsanaa NISA oo ka badbaaday.

5-February21, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay afafka Hore ee ‘’The Village Hoteel’’ waxaana loogu soo xiray Askari ka tirsan NISA oo magaciisa lagu sheegay Bile, kaa oo ka badbaaday.

6-February 23, 2018, Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya xili gaarigaasi ay la socdeen al-Shabaab hubeysnaa oo doonaayay inay galaan Villa Somalia.

7-February 23, 2018, Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Isgooyska Ceelgaabta Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, kaa oo ay is hortaageen ciidamo ka tirsan dowlada xili uu doonaayay inuu soo aado Villa Somalia.

8-February 23, 2018, Gaari HOAH laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Afaafka hore ee Hotel Dorbin oo ku yaalla Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

9-February 23, 2018, Maleeshiyaad la socday Mooto Bajaaj ayaa Bam gacmeed ku weeraray Ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taal Isgooyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Imisa Qarax ayaa bishii February ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this