Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Muqdisho oo la geliyay Xaalad feejignaan Amni & Weerarro cusub oo laga digay in qaadaan Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la xoojiyey iyadoo feejignaan la geliyay ciidamada kadib xog ku saabsan weerarro ay qorsheysay Alshabaab oo la sheegay in laga war helay.

Maalmihii ugu danbeeyay aya ciidamo badan lagu arkay wadooyinka, waxaana inta badan la xiraa isu socoka labada dhinac ee loo qeybiyay magaalada oo ah wixii labada dhinac ka xiga Jidka Wadnaha inaysan isu gudbin.

Tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada amniga ayaa wararku sheegayaan inay ka danbeeyeen markii ilo sirdoon ay ku warrameen weerarro Alshabaab ku qorsheysay laba hotel oo ku yaalla Wadadda Maka Almukarama iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa dareemay culeys uga yimid isu socodka magaalada oo ciidamadu ka hor istaagaan iyadoo Wadadda Wadnaha wixii waqooyi iyo galbeed ka xiga loo bixiyay Hirshabeelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Magaalada Muqdisho oo la geliyay Xaalad feejignaan Amni & Weerarro cusub oo laga digay in qaadaan Alshabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this