Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay maxaabiistii Shabaabka ahayd ee ka baxsaday xarun lagu dhaqal celinayay oo kutaala Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigtay 8 kamid ah maxaabiistii Shabaabka ahayd ee habeeno kahor ka baxsaday harun lagu dhaqan celinayay oo kutaala magaalada Garowe, sida aan warar lagu kalsoon yahay ku helnay.

Maxaabiistaan fakatay oo markii hore tiradoodu ahayd 13 ruux, ayaa haatan waxaa maqan shan kamid ah, kuwaas oo ciidanka ammaanku raadinayaan, loona xilsaaray ciidamo gaar ah.

Dowladda Puntland waxay sidoo kale xabsiga dhigtay askar katirsan ciidanka asluubta iyo ciiidanka madaxtooyada oo loo haysto inay kaalin kuleeyihiin maxaabiista Shabaabka ah ee baxsatay.

Askartaan la xiray ayaa kamid ahaa kuwii goobta ku sugnaa marka uu falkaan dhacayay, waxaana haatan ku socda baaritaano ku saabsan inay wax ka ogaayeen maxaabiiista qaabka ay ku fakadeen.

Maxaabiiista lagusoo celinayay goobta ay ka baxsadeen, ayaa isugu jira kuwo lagasoo qabtay magaalada banaankeeda iyo kuwa iyaga iskood ugusoo noqday xarunta markii ay garan waayeen meel aadaan, sidaasi waxaa Puntlandi u xaqiijiyay sarkaal katirsan ciidanka asluubta.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this