Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo ku baaqay in kor loo qaado heerka shaqo galinta gabdhaha aqoonta leh.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland, Carbdiraxmaan Axmed Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay gabdhaha aqoonta leh ee ku Puntland ku nool in ay helaan cadaalad ay kaga dhex muuqdaan goobaha shaqada.

Imtixaan dhawaan loo galay shaqooyinkii ka banaanaa wasaraadda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa dadkii kusoo baxay kaalimaha sare waxay 50% noqdeen gabdho  aqoonleh, taasoo muujinaysa heerka waxbarashada gabdhaha.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegay inay dowladda Puntland xoogga saarayso sidii loo heli lahaa Koonto ugaar ah dumarka, si ay kaalin mugkeh uga qaataan shaqooyinka waddanka laga qabanayo, kuwaas oo hadda raggu u badan yahay.

“Runtii dumarkeenii waxbay barteen, waxay booga baahan yihiin oo kaliya waa cadaalad.” ayuu yidhi wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Mr Cabdulle.

Puntland ayaa ah meesha ee ugu badan ee aydumarku u dareeraan goobaha waxbarashada, kadib tiro-koob lagu sameeyay tirada gabdhaha ee sannad walba u dareera ka qeyb galka imtixaanada.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this