Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa Hay’adda UNCHR ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa_Muqdisho_Xamar-3.jpg?resize=815%2C5Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xarunta dawladda hoose kulan kula yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Ms.Caroline Van Buren.

Duqa Muqdisho Inj. Yariisow iyo madaxa Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda barakaceyaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Guddoomiye Yarisow si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu haboon ee shaqo abuur loogu sameyn karo dhallinyarada gobolka, si looga hor tago tahriibka iyo xag-jirnimada, isagoona u soo bandhigay Madax UNHCR in ay kaalintooda ka qaataan sidii nolol munaasab ah loogu yagleeli lahaa dadka barakacayaasha ah.

“Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta barakacayaasha. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, Caroline Van Buren ayaa sheegtay in UNCHR ay ka go’an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso barakacayaasha ku sugan xeryaha ku yaalla Muqdisho, iyadoona sidoo kale ballan qaaday in ay kala shaqeeynayaan Gobolka kor u qaadista heerka nolashooda.

Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

Duqa_Muqdisho_Xamar-1.jpg?resize=815%2C4 Duqa_Muqdisho_Xamar-2.jpg?resize=815%2C5

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa Hay’adda UNCHR ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this