Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha dalka Isbaanishka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

unnamed19.jpg?resize=1000%2C667 unnamed20.jpg?resize=1000%2C667 unnamed17.jpg?resize=1000%2C667 unnamed18.jpg?resize=1000%2C667 unnamed17-1.jpg?resize=1000%2C667

Puntland Post

The post Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha dalka Isbaanishka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this