Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulanka saacadaha badan qaatay ee dhexmaray Axmed Madoobe & Carlo Campanile

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa maanta Madaxtooyada maamulkiisa ku qaabilay Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Somalia Carlo Campanile.

Hoggaamiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Somalia, Dagaalada ay ciidamada maamulka kula jiraan al-Shabaab, Tababarada ciidamada iyo xoojinta amaanka deegaanada Jubbaland.

Waxaa kulanka labada Mas’uul diirada lagu saaray maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka iyo suuragalnimada in dib loo soo celsho hanaankii hore.

Hoggaamiye Axmed Madoobe, oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay deegaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay deegaanka maalgashadaan.

Waxa uu Madoobe sheegay in Danjiraha uu ku booriyay inay xooga saran arrimaha nabadgalyada iyo inay laban laabto tageeradeeda dhinaca amaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.

Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca amaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.

Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.

3-20.jpg?w=696

1-27.jpg?w=696

2-23.jpg?w=696

The post Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulanka saacadaha badan qaatay ee dhexmaray Axmed Madoobe & Carlo Campanile appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this