Deeq A.

Senator Mareykan ah oo sheegay in Dowlada Somalia aysan haysan Kalsoonida Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

jack_reed_cropped.jpg?resize=820%2C508Muqdisho (PP) ─ Mudane Jack Reed oo ka mid ah Senator-rada dalka Mareykanka oo maalmo ka hor booqasho gaaban ku yimid Muqdisho, ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somalia oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibankan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka Taageero dheeraad ah siiyo Somalia, si kooxda mayalka adag ee Al-shabaab looga adkaado, inkastoo uu xusay in dowladda \somalia aysan haysan kalsoonida shacabkeeda.

“Kooxda Al-shabaab dhul ballaaran ayay ka talisaa, waxayna si firfircoon uga qaataan dadka canshuur, meelaha qaarkood oo aysan Dowladda Soomaaliya heysan ayay sharciyad ku haystaan oo ay dadka ugu kala garsooraan,” ayuu yiri Jack Reed oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga,

Senator-ka ayaa intaas ku daray. “Haddaan taas wax laga qaban Al-shabaab way jirayaan, waxayna kari karaan inay na shir-qoolaan, mana aha oo keliya Somalia, laakiinse waa gobolka oo dhan.”

Xidhibaanka ayaa la weydiiyay amniga Muqdisho iyo wuxuu kusoo arkay intii uu ku sugnaa, wuxuuna ku jawaabay. “Muqdisho amni waa ka jiraa, laakiin ma ahan agaalada ugu amniga badan gobolka, isla markaana dhacdooyin argagax leh ayaa ka dhaca, sida qaraxii 14-kii bishii Oktoobar ee 2017-kii oo lagu dilay 500 dad ka badan. Muddo 25 sano ka hor ah ayaa Muqdisho tagay waana ka bedelan tahay magaalada sidii ay markaas ahayd.”

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray. “Magaaladu aad ayay u ballaaratay, horumarro ganacsiyeed oo baaxad leh ayaa ka jira, Laakiinse anigu waxaan qabaa in baaritaanno ciidaan aan waxba laga qaban Karin Al-shabaab, balse loo baahan yahay horumar dhaqaale, si loo kobciyo howlaha iyo waxqabadka dowladda federaalka Somalia.

PUNTLAND POST

The post Senator Mareykan ah oo sheegay in Dowlada Somalia aysan haysan Kalsoonida Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This comes after SRSG Keating's assessment last month of the dismall state of Cheeseman's dwindling political capital. The phony Cheeseman is exposed for what he really is. He hasn't recovered for 6 months since Qalbi-dhagax case blew up his "Somalinimo" card. 

It is downhill from here to a slow-mo train wreck. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.