Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Jack Reed”Dowlada Farmaajo Ma Heysato Kalsonida Shacabkeeda oo Wey Ku Guldareysatay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyado dhawan uu boqasho ku yimid Magaalada Muqdisho Senator Jack Reed oo ka mid aqalka Senetka Mareykanka ayu ka warbixiyay waxyaabihi uu ka bartay booqashadiisa muqdisho.

Jack Reed aya shegay in dowlada soomaaliya aysan heysan kalsoonida Shacabka oo ah haldoorka dowlad nimo iyo suurtagalnimada in amanka la xaqiijiyo waxa uu shegay in dagaalka al shabaab ee dowlada uusan dhaman karin iyado dowladu aysan heysan kalsoonida shacabkeda.

“Al-Shabaab dhul baaxad leh ayay ka taliyaan, waxay si firfircoon leh uga qaataan dadka canshuurta, meelaha qaarkood oo aysan dowladda heysan ayay sharciyad ku heystaan oo ay dadka ugu kala garsooraan”ayuu yiri oo wareysi siiyay Idaacad lagu magacaabo National Public Radio.

Isago ka hadlayay amanka magaalada Muqdisho ayu shegay in Muqdisho aanay aheyn magaalada ugu ammaanka badan, isla markaana dhacdooyin argagax leh ay ka dhacaan dowladana aysan wax ka qaban arimahasi.

Isagoo wareysi lala yeeshay ayuu si cad u sheegay senatorka kasoo jeeda xisbiga dimoqraadiga, kana tirsan guddiga ciidamada qalabka sida in Alshabab ay canshuur urursadaan, ay dadka u kala garsooraan dadka, ayna sharciyad ku heystaan degaanada aanay joogin dowladda.

Wuxuu intaas ku daray in si wax looga bedelo xaaladaasi aan kaliya loo baahney awood milateri ee la doonayo taageero dhaqaale, horumarin iyo taageerada is balaarinta dowladda, sida uu yiri.

Dhinaca kale Senator Jack Reed ayaa beeniyey inuu socdaalkiisa Muqdisho ee dhacay 20-kii bishan aanu ahayn qarsoodi ee hore loo shaaciyey, isla markaana uu raacay xeerka u yaalla amniga oo garoonka Muqdisho uu kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Senator Jack Reed”Dowlada Farmaajo Ma Heysato Kalsonida Shacabkeeda oo Wey Ku Guldareysatay” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this