Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhegeyso) Wasiirka Maaliyadda DFS oo sheegay in shaqo joojinta ganacsatadu saamayn ku yeelatay hanaanka Maaliyadda Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Shir Saxaafadeed ku qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa bishaan febraayo.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada gobolka banaadir iyo khilaafka Wasaarada iyo ganacsatada soo gala dhex galay inuu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka soo geli jiray.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxa uu tilmaamay in Febraayo lacago badan aysan dalka soo galin daqliga dowladda soo geli jirayna uu ku yimid hoos u dhac balaaran.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Hay,adda lacagta aduunka ee IMF ay amaanay hanaanka maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka dhegeyso Shirka Jaraa,id ee Wasiirka.

      150706_001 - My Recording

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this