Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah wadamada ugu waa weyn Dalalka Yurub oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Netherland ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoda ka jooga soomaaliya ee howlgalka dhinaca amaanka ah ee uu Midowga Yurub ka wadan Soomaaliya.

Netherlands,waxaa ay sheegtay in Bisha April ee soo socota ay 15 Askari oo u badan tababarayaal iyo la taliyayaal dhinaca amaanka oo Ciidamadeeda ah ay kala bixi doonto Soomaaliya taas oo sida lagu sheegay warbixintan dib u dhac ku ah howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalka Netherlands,ayaa sheegay in Ciidan yari dalkiisa heysata ay ku qasabtay in ay Ciidankooda kala baxaan Soomaaliya,isaga oo intaas ku daray in madaxbanaanida Netherlands ay muhiimadda kowaad u tahay Dalkiisa.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Netherlands ay sii wadi doonto howlgallada kale ee dhinaca Bani’adamnimada ah ee Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya hayeeshee qeybta amaanka ay intaas uga egtahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Mid ka mid ah wadamada ugu waa weyn Dalalka Yurub oo ciidamadiisa kala baxaya Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this