Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga soo saaray weeraro la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho. (Halkee lagu wajahan yahay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Digniino ku aadan weeraro Al-Shabaab ku qaado Garoonka diyaaradaha iyo Labo Hotel oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama ayaa la soo saaray, iyadoo farriimahan la xiriira digniinahan ay soo saareen sirdoono shisheeye oo ku sugan Xerada Xalane.

Goobaha laga digay in weeraraddu ka dhici karaaan waxaa ka mid ah Hotello ku yaalla Magaaladda gaar ahaan Wadadda makaa Al- mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Weeradda nuuca ay yihiin lama Faaah faahin.

Hotellada iyo garoonka Diyaaaradaha ee Muqdisho ayaa bartilmaameedyo u ah Al-shabaab oo horay weerarro uga geeystayn goobahaas, tiro dhowr jeer ah ayey Al-shabaab weerareen Garoonka Diyaaradaha iyo Xerada Xalane.

Sidoo kale inta badan Hotellada ku yaalla Waddadada Maka Al-mukarama ayaa marti galiyay weerarro Al-shabaab ay ku qaadeen oo ismiidaamin iyo weeraro toos ah isugu jiray.

Dad shacab ah iyo Saraaakiil Doowladeed ayaa ku dhintay weeradddi Al-shabaab ay horay uga geysteen goobha digniintu ku wajahantahay.

Digniinta amni ee ay Soo saareen Xafiisyada QM iyo safaaradaha ku yaala Xalane ma ahan mid si guud loo faafiyay laakiin waxaa la siiyay Shaqaalaha Xarumahaas u shaqeeya oo looga digay in aysan tagin Xarumaha qatartu ku wajhantahay.

Xogta ayaa sheegeysa in labo baabur qaraxyo loo diyaariyay iyo kuwo ay la socdaan dabley hubeysan ay jiraan oo qeyb ka ah weerarada.

Al-Shabaab ayaa jimcihii labo weerar oo qarax iyo mid toos ah ku qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Doorbin oo ku yaalla KM-0 oo u dhow Xarunta NISA.

Shirkii Khamiista ee Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray digniin amni oo ku aadan baabuur qaraxyo sida, iyadoo maalin kaddib magaalada ay ka dhaceen labo qarax oo dad badan ku dhinteen.

Khamiistii lasoo dhafay ayey ahayd markii Golaha Wasirada ay Bixiyeen Digniin amni, Jimcihii ka dambeeyayna ay Magaladda Ruxeen Qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo ka dhacay Goobo si aad ah loo laaliyo gaar ahaan Meel u dhow Xarunta Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo waliba Iridda laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyay oo Al-shabaab sheegteen waxaa ku dhintay Dad ka badan 40 ruux,waxaana dhaawacmay ku dhawaad 30 kale.

Hay’adaha amaanka ayaa qaatay shirar isdaba joog ah oo amaanka lagu adkeeynayo.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Digniin laga soo saaray weeraro la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho. (Halkee lagu wajahan yahay?) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this