Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Beyle” Joojintii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Saameeyn buu Nagu Yeeshay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaarada Maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wariyaasha xafiiskiisa kula hadlay ayaa ka hadlay arimo kala duwan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in saameeyn xoogand Dowlada ay ku yeelatay shaqo joojintii Ganacsatada kadib cabasho ku aadan canshuur kordhin.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in wasaaradu ay hadda u wajaheeyso qaabab kala duwan xalinta cabashooyinka ganacsatada isaga oo sheegay in ay kulamo iyo wada hadalo ay la qaadanayaan.

Wasiir Beyle ayaa qiray in xoogaa hoos u dhac ah oo daqliga dowlada ah laga dareemayo Bishaan sii dhamaaneeysa ee Febuary.

Wali wax xal ah lagama gaarin cabashada ganacsatada ee ku aadan canshuur kordhin ay ku sameeysay wasaarada maaliyada.

Hoos ka dhageyso Codka

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Wasiir-Beyle-PP.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Dr Beyle” Joojintii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Saameeyn buu Nagu Yeeshay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this