Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ciidamada dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Moqokori  (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Sida ay qortay wakaalada wararka SONNA, guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa saak waabarigii la wareegan deegaanka Moqokori oo qiyaastii 40KM u jira degmada Maxaas, halkaasoo ay maamulayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Moqokori islamarkana kana saareen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah.

Al-Shabaab ayaa dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2016 dib ula wareegay deegaanka Moqokori, kaddib markii ay isaga baxeen ciidankii dowladda iyo kuwa Itoobiya ee deegaankaas ku sugnaa.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Wararkii ugu dambeeyey ciidamada dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this