Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya Oo lawareegay Deegaanka Moqokori iyo Al-shabaab Oo isaga baxay Deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Dowladda Soomalaiya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay  ku lahaayeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta Puntlandi ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uuna socday mudo labo saacadood ah, waxayna dadka degaanka inoo sheegeen in uu socda barakac xoogan ,lagana cabi qabo in Al-shabaab markale ay soo rogaal celiyaan.

Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay kaga guulaysteen kooxda Al-shabaab oo ay lawareegeen gacan kuhaynta Deegaanka Moqokori oo markii hore  gacanta ugu jiray  Ururka Al-shabab .

 

ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka soo kala gaaray labada dhinac iyo cid xaqiijisay toona.

Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aysan soo saareen dagaalkan ,marka laga reebo sheegashada dowladda ee ah in ay lawareegeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Halkan kala soco wixii ku soo kordha warkan

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this