Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka ah ku dilay Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

War Saxaafadeed kas oo baxay Talis ka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa iyo labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Duqeyntani ayey sheegeen Militariga Mareykanku in ay geyteen maalinimadii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay, islamarkaana ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee bobolka Jubadda Dhexe.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah oo uu  la beegsanayo fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro Al-Shabaab oo  qatar ku ahaya nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya  ayaa qoraalka lagu yiri.

Madaxweyne Trump ayaa ogolaaday 2016-kii  in la dardargaliyo duqeymaha diyaaradaha Daroonis-ka Mareyknaku ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this