Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo liiska argagixisada ku daray ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa caawo liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in liiska argagixisada lagu daray,ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo lagu magacaabo, Mahad Macallin.

Ninkaan ayaa sidoo kale qaabilsan fududaynta sanaadda iyo hubka kooxdaan uga yimaada dalka Yemen,sida lagu xusay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka .

Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in Daacishta Soomaaliya ay hubka ugu badan ka heshay dhinaca waddanka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo ba’an,islamarkaana hubkii dowladdu gacanta u galay Islaamiyiinta xagjirka ah.

Wadaadka Xagjirka ah ee Cabdulqaadir Mu’min oo ay weheliyaan 20 kamid ah taageerayaashii hore Al-shabaab,ayaa bishii October ee sannadkii 2015 ku dhawaaqay in uu daacad u yahay hoggaamiyaha sare ee Daacish,Abuu-bakar Albaqdaadi,isagoo ku xigeenkiisana u magacaabay,Mahad Macallin oo ah ninka haatan liiska argagixisada lagu daray.

Bishii Agoosto ee sannadkii 2016,dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min.

26 bsihii October sannadkii 2017,malayshiyada Cabdulqaadir Mu’min ayaa qabsatay magaalada qandala ee gobolka Bari,halkaaso in muddo ah ay haysteen inkastoo markii dambe laga saaray.

Daacish ayaa markii u horraysay bishii May ee sannadkii 2017-kii sheegatay weerar lagu qaaday goob gaadiidka lagu baaro oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso,kaasoo ay ku dhinteen 5 ruux,12 kalena ku dhaawacantay.

Sidoo kale kooxda ayaa sheegatay weerar kale oo isla sannadkaasi lagu qaaday hoteelka Village ee magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST

 

The post Maraykanka oo liiska argagixisada ku daray ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this