Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W ku xigeenka Soomaaliya oo kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna ku-simaha R/W Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) oo ka duulaya barnaamijka isla xisaabtanka xukuumadda ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay qaar kamid ah xafiisyada hay’addaha dawladda. Waxuuna booqday Wasaaraddaha Aminga, Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa kormiisa shaqo ku bilaabay Wasaaradda Amingga, waxaana ku soo dhaweeyay Wasiir dawlaha Wasaaradda Xasan Macalin Xuseen, isagoona uga xog-waramay howlahooda shaqo iyo hannaanka maalin-laha ah ee ay ku wajahaan shaqada isku xirka ee ku aadan doorkooda amnigga.

Kusimaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan illaalinta howlaha shaqo ee dalka mar walbana ay la socon doonaan sida ay shaqooyinka u wadaan dhammaan hay’addaha dawladda, taas oo noo fududayn doonta daedargalinya qorshaha xukuumadda Soomaaliya.

“Barnaamijkani waa mid sii socon doona oo aanu ku joogtayn doono dar-dar gelinta shaqada Qaranka iyo Joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda, si aan ula socono habka ay shaqadooda ugu danayaan hay’addaha dawladda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale kormeerkiisa ku soo maray Wasaaradda Maaliyadda iyoxarunta Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Waxuuna warbixin soo koobaysa shaqada Maaliyadda ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, isagoona usoo bandhigay dakhli urrurinta iyo fulinta Barnaamijka dib-u habaynta Maaliyadda dalka.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali, ayaa dhankiisa ka waramay sida ay shaqadu u socoto iyo qorshayaasha ay doonayaan in wax ugu badalaan hannaanka bangiga dawladda si loo horumariyo shaqada bangiga dalka, taas oo kordhinaysa dhaqaalaha dalka. Sidoo kalena waxuu R/W ku xigeenka soo tusay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay.

6Z0A0096.jpg?resize=600%2C400 6Z0A0172.jpg?resize=600%2C400 6Z0A0213.jpg?resize=600%2C400 6Z0A0221.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post R/W ku xigeenka Soomaaliya oo kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha Dawladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this