Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo heshiis qiyaano ku ah Canshuurta dalka la galay Wasaaradda Maaliyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wareysi ay Shabakadda Caasimadda  la yeelatay qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed waxay ku ogaatay in xil dhibaanada labada aqal Soomaaliya laga dhimay ama laga qafiifiyay canshuurtii ay bixin jireen.

Xil dhibaanada ayaa heshiis la galeen wasiirka maaliyada ayagoo laga dhimay canshuurtii laga qaadi jiray halka iyagana ay wasaaradda culeeska ka qaadeen si dacwad ka dhan ah wasaarada loogu soo oogin madaama ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ay dhabarka ka saareen canshuur adag.

Sida shacrciga canshuuraadka Soomaaliya uu dhigaayo waxaa ku qoran in dhamaan shaqaalaha ay bixiyaan canshuurta marka laga reebo kuwa mushaarkooda ka yar yahay $200 bishii.

Saamiga shacriga canshuurta wuxuu dhigayaa qofkii mushaarkiisa la egyahay $1500 bishii waxaa qasab ku ah %18 daqliga soo galo canshuur ah laga qaado.

Laakiin xil dhibaanada oo bishii qaataan $3000 mushaar ahaan iyo %1000 oo guno ahaan loo siiyo si ay amaankooda ugu hagaajistaan waxay bixiyaan 8% canshuur ah daqliga soo galo.

Heshiiskan waxaa xaqiijiyay kana shaqeeyay baarlamaanka qaybta ama gudiga dhaqaalaha (Maaliyadda) qaabilsan ayagoo arinkaan ka dhameesteen wasiirka maaliyada  intii laga shaqeenayay dajinta miisaaniyad dhexeedkii  2017.

“Tani waa cadaalad darro aad u weyn waayo gudiga Maaliyadda baarlamaanka awoodooda ayay kaga faa’iideesteen in xil dhibaanada laga qafiifiyo canshuurta laga rabay inay bixiyaan ayagoo horey daqli badan u kasbanayeen” sidaas waxaa tiri Caasho Cabdi oo dukaan ku leh degmada Hawl wadaag.

“Xildhibaanada ma ahan kuwo astaan wanaagsan u taagan waayo kaliya dantooda ayay ka shaqeenayaan, waxaa qasab ahayd inay bixiyaan canshuurta sharciga kusoo rogay lana qeybsadaan shacabka bixinta canshuuraadka” Sidaas waxaa dhahay shaqaale ka tirsan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn.

Wuxuuna sii yiri “Aadban u careesanahay waayo $1800 ayaan bishii mushaar ahaan u qaataa waxaana bixiyaa canshuur ka badan midda ay xil dhibaanada bixiyaan, kuwaas oo iga hodansan iyagana awood badan una shaqeenayaan naftooda laakiin aan shacabka danahooda ka shaqeyneyn”

Xil dhibaanada qaar oo ay la xariirtay Caasmadda Online waxay sheegeen inay dareemi karan carrada shacabka laakiin iyaga culeesyo kale saaran yihiin sida inay Hoteelo dagan yihiin, qaraabadooda ay taakuleeyaan sidoo kalena ay ka qayb qaataan gurmadka arimaha deg dega ah iyo marka duug qaran loo baahdo.

Sidaa darteed waxay aaminsan yihiin in canshuurta laga qafiifiyay ay qalad tahay balse daruufo jiro awgeed u dalbadeen in sidaas loo sameeyo.

“Hadii aan bixino canshuurta nagala rabo ee 18% waxaan galeynaa xaalad dhaqaale oo aad u adag mana awoodi doono inaan Muqdisho ku dhex noolaano” sidaas waxaa yiri xil dhibaan difaacayo canshuurta laga qafiifiyay xil dhibaanada.

Wuxuuna kusii daray “Hadii canshuurta nagala rabo oo dhameestiran aan bixino waa qasab inaan helno hooy aan degno iyo amaankeena inay dolwada sugto mana awoodo midaas”

Dadka dhaliilsan xil dhibaanada in canshuurta laga qafiifiyay waxay ku doodayaan in xildhibaanada ay shacabka matalaan lagana rabo inay shacabkooda culeeska canshuurta ka xigsadaan balse ma ahan inay aqalada dowlada u galeen inay hanta tacbadaan, waana qasab inay bixiyaan canshuurta laga rabo.

“Dhamaan xildhibaanada qaranka waa la yaqaan shaqada ay qaban jireen ka hor inta aysan xildhibaano noqonin qaarkood waxay ahaayeen ganacsato, waa qasab inay canshuurta u bixiyaan sida aan u bixiyo” sidaas waxaa dhahay Maxamed Cilmi kaasi oo ganacsiga ka baranaayo mid ka mid ah jamaacadaha Muqdisho ku yaalo”

“In qaraabada la taakuleeyo, amnigooda iyo Hoteelada ay dagayaan xil dhibaanada waa arimo iyaga u qaas ah, waa qasab inay canshuurta si toos ah u bixiyaan waayo anagana canshuur dhameestiran ayaa nagala qaadaa anagoo qabno culeyska ay qabaan”

“Tani marmarsiyo uma noqoneyso xil dhibaanada inay canshuur yar bixiyaan halka shacabka canshuur badan bixiyaan” waxaa intaas kusii daray arday xisaabaadka barto kaasi oo diiday in magaciisa lasoo xigto.

Nidaamka Canshuurta Daqliyada Soomaaliya:

Mushaar ($) Canshuurta (%)
0-200 wax canshuur ah lagama qaado
201-800 6
801-1500 12
1501 iyo wixii ka sareeyo 18

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

 

The post Baarlamaanka Soomaaliya oo heshiis qiyaano ku ah Canshuurta dalka la galay Wasaaradda Maaliyadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this