Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacstada Gobolka Banaadir oo sheegey in ay Fashil Ku Dhamaadeen Wada hadaladii ay la lahaayeen Wasaarada Maaliyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacstada  Gobolka Banaadir  oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa Daboolka ka qaadey in uu Fashimay Wada Xaajood Maalmahan u socdey Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada  Dowlada Federaalka kaasoo la doonayey in lagu Xaliyo Khilaafka  ka dhashey Canshuur kordhin lagu sameeyey Ganacstada Gobolka Banaadir .

“Wada Xaajoodkii  u dhaxeeyey Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada wax heshiiska oo ka soo baxay ma jiraan oo lagu Maareyn lahaa Cabashadii Ganacstada, waxayna wax ka socon waayeen Dhinaca Wasaarada Maaliyada” ayey Shirkaas Jaraaid ku sheegeen Ganacstada Gobolka Banaadir

Shirkaas Jaraaid ee Ganacstada waxay ka soo Saareen Qododbada soo socda

  1. Waa Sharcidaro Canshuurta Sales Tax 5% oo ay soo rogtey Wasaarada Maaliyada in lagu qaado Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha
  2. Ganacstada Gobolka Banaadir waa Canshuur Bixiyayaasha keliya ee Dowlada Dhexe Siiya Canshuurta
  3. Ganacstada Gobolka Banaadir waa dad u taagan mar Waliba Dhismaha Wadooyinka, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada  iyo Adeegyada kale ee Bulshada
  4. Waxaa ka codsaneynaa in arrinta Ganacstada Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ay soo fargeliyaan Madaxda ugu sareysa Dalka oo kala ah Madaxweynaha Dowlada Federaalka, Raiisul Wasaaraha iyo Guddiyada Baarlamaanka ee ku shaqada leh arrintaan

Weli waxaa Taagan Khilaafka u dhaxeeya Ganacstada gabolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ee Dowl;ada Federaalka kaasoo ka dhashey Canshuur ay sheegeen in Keligood lagu soo rogey iyadoo dalku uu Federaal yahay .

thumbnail_6.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 thumbnail_4-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 thumbnail_3-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 thumbnail_2-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 thumbnail_1-1.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

The post Ganacstada Gobolka Banaadir oo sheegey in ay Fashil Ku Dhamaadeen Wada hadaladii ay la lahaayeen Wasaarada Maaliyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this