Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo Kaaliye Maxkamadeed ku dileen duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dil xalay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dilay Nin ka mid ahaa dadka degaanka.

Dadka degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in Nin Ganacsade ah oo Dukaan gadanayay lagu dilay xalay halkaas kaddib markii Labo Nin oo wax ka iibsaday ay toogteen.

Hayeeshee war ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in  Maxamed Xuseen Kaahiye oo ku magacdheeraa (Shangaani ) oo ahaa kaaliye Maxkamadeed oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Magac Ninkan Al-shabaab waxaa ay ku soo gaabiyeen Cali Shangaani,iyada oo dadka degaankana ay sheegeen in Ninka ganacsadaha ah ee la dilay lagu magacaabo   Maxamed Xuseen Kaahiye.

Sida ay baahisay Idaacadda Al-shabaab Ninka la dilay ayey ku sheegeen Kaaliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee dowladda Federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Shabaab oo Kaaliye Maxkamadeed ku dileen duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this