Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Saldhig Boolis Oo Marki ugu horaysay laga hirgaliyay Deegaanka Daarusalaam Oo ku yaala Xadka udhaxeeya Puntland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Deegaanka Daaru-salaam oo kuyaala xadka udhaxeeya Itoobiya iyo Puntland ayaa maanta waxaa laga hirgaliyay dhismaha Saldhigii bartamaha ee deegaankaasi oo ay ku shaqan lahaayeen Ciidamada Amniga ee Puntland .

Dhismaha Saldhigan Ciidanka Booliska ayaa waxaa iska kaashaday dadka deegaanka Daaru-salaam iyo maamulka oo si iskood ah isugu tashaday kuna bixiyay dhaqaale ay iska soo uruuriyeen.

Saldhigan ayaa dhismihiisa ah mid gabo gabo ah ,waxaana lafilayaa in dhawaan la dhamaystiro oo xariga laga jaro.

 

Dhanka kale Deegaanka Daaru-salaam waxaa ka socda Howlglo lagu xasilinayo Nabadgalyada laguna ilaalinayo Xuduudaha iyo kahor taga xaalufka dhirta  oo ay wadaan Ciidamada Booliska ee deegaanka Daaru-salaam .

Halkan ka dhagayso Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska ee Maamulka deegaanka Daarusalaam Xuseen Shekh Cabdi oo faah faahinaya dhismaha Saldhigan.

      Taliye kuxigeenka xuseen beerow

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this