Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare ee Kenya oo Aadan Ducaale u xukmisay Kursi lagu heystay & Faarax Macalin oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xukun kasoo saartay dacwad ka taagneyd kursgii Gaarisa ee uu ku soo baxay Aadan Barre Ducaale, balse uu dacwad ku soo oogay Faarax Macallin.

Faarax Macalin oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa dacwad ka gudbiyay kursigan oo markii hore looga adkaaday, hase ahaatee Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa sheegay in caddeyn ku filan uu u keeni waayay eedihii uu soo jeediyay ee doorashada kursigan.

Aden-Brre.jpg?resize=696%2C463&ssl=1

Maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday inuu sharci ahaan kursiga Gaarisa ee uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale iyadoo eedihii Faarax Macallin ee ku saabsanaa in hanti Qaran loo adeegsaday ololaha doorashada loo waayey caddeyn. Maxkamadda ayaa Faarax Macallin ku amartay in uu bixiyo 6 Milyan Shilinka Kenya ah oo ah kharashka ku baxay dacwadda.

Aadan Ducaale oo taageerayaashiisa ay kor u sidaan ayaa kasoo baxay maxkamadda wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan go’aanka Maxkamadda, isla markaana wuxuu u mahad celiyey dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabee.

Faarax Macalin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu xurmeynayo go’anka maxkamadda balse uu khalad yahay, wuxuuna intaas ku daray inuu rafcaan ka qaadan doono, siina wadi doono dacwadda ilaa uu ka caddeeyo xaqiiqada kiiskan.

Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Gaarisa ayaa aheyd kuwii ugu adkaa, waxaana wali Maxkamadda yaala dacwado laga keenay qaar ka mid ah kuraastii doorashooyinka deegaanada gobolka waqooyi bari Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxkamadda Sare ee Kenya oo Aadan Ducaale u xukmisay Kursi lagu heystay & Faarax Macalin oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this