Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheerad ah oo kasoo baxay Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Garowe oo la sheegayo in la iibsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Warar soo gaaraya Caaasimada Online ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa dagaalyahanadii al-Shabaab ee lagu qabtey dagaalladii Suuj, Garmaal iyo weliba Garacad ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey muddo dheer.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xilliga la qabanaayey ee ay dagaalka kula jireen Puntland, waxaana guriga loogu samaynayey wax loogu yeeray dhaqan-calin. Balse ilo xog’ogaal ah ayaa ku waramaya in ay ku jireen maxaabiistaas shaqsiyaad qaar gaar ah.

Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa loogu yeeraa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay oo uu maamulo nin lagu magacaabo C/fitaax Sugulle, dhaqsigaas oo ah ganacsade xiriir dhow la leh Madaxwayne Gaas, waxaana uu horey Mudane Sugulle u ahaa Wakiil Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas u igmaday mas’uuliyada iyo maamulka Warshad Lacagta Shilin-ka Soo.aaliga soo saarta oo taalla magaalada  Boossaaso.

Wararku waxay intaas ku darayaan ayaa sheegay in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhicin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen.

Dadka qaarkiis ayaa ku eedaynaya shirkadda qaadatey qandaraaska lagu dhaqan celinaayo dhalinyaradan in ay ka dhigatey mashruuc aan dhammaan, warar kale ayaa sheegaya in qaar kamid ah kuwa gacanta ku hayey dhalinyaradan ay lacag ku bedelan jireen tiradooduna intaas ay ka badneyd markii hore.

Al-Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Warar dheerad ah oo kasoo baxay Shabaabkii ka baxsaday xabsiga Garowe oo la sheegayo in la iibsaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this