Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Maxaad ka Taqaan Taariiqda Gobolka Garda Fuu iyo khayraadka ku jira ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka Garada Fuu waa gobolkii ugu dambeeyay ee gobolada Puntland labixiyay ,waxaana uu kulmiyaa sadaxda badood ee kala Ah bada INDIA, Gulf of Aden, iyo  Arabian sea .

Gobolka Garada Fuu  waxaa mara 10 dhabo oo ay isticmaalaan Diyaaradaha ukala goosha Afrika iyo Asia.

Gobolkan waxaa daris la ah wadamo ay ka midyihiin  Cuman, Imaaraadka Carabta ,iyo dalka Yaman.

khayraadka uuleeyahay gobolka Garada Fuu ayaa waxaa ka mid ah,  1-khayraadka kaluunka 2- khayraadka Xabkaha iyo Maydiga, 3-khayraadka Dhuxul dhagaxda iyo khayraadka dalxiiska .

Hadaba gobolka intaas oo khayraad ah uu ku jiro oo aan ka soo sheekeenay ayaan lahayn Wadooyin loo maro oo ay dadku kaga faa iidaystaan khayraadka uu Eebe ku manaystay gobolkan,waxaana looyaqaana gobolada gaariwaaga ah ,waana gobolada laamiga ka baxsan oo aysan dowladdi hii  Puntland soomaray aysan gaarsiin adeegyadii bulshada ay ubaahnaayeen .
Waxaa haatan  socda dadaalo lagu dhisayo wado dherer keeda uu yahay 650 kiiloo mtr oo isku xiri doonta Caluula iyo kala beer iyo Deked ay wax kala soo dagaan dadka deegaankaasi .
Hadaba Taariiqda gobolkan iyo khayraadkiisa  waxaa Puntlandi uga waramay Wasiir kuxigeenka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland C/laahi Xaashi Qoob deero.
Halkan ka dhagayso .
      Wasir Qoob deero

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this