Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Gabdhaha Jaaliyadda Puntland ee UK oo xarun caafimaad ka hirgaliyay degaanka Godad ee gobolka Mudug.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Puntlandi) Guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed khaliiif oo ay weheliyaan dhaakhatiir, Odayaal iyo iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta xariga ka jaray xarunta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Godod ee gobolka Mudug.

Xaruntaan cafimaad ayaa waxaa hirgaliyay Gabdhaha Jaaliyadda Puntland ee dalka UK, kadib markii ay arkeen baahida loo qabo in xarun caafimaad laga hirgaliyo degaankaas, si kor loogu qaado caafimaadka bulshada gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Guddoomiyaha Godad iyo odayaasha degaankaas oo ka hadlayay munaasabadii xariga looga jarayay xaruntaan, ayaa mahad celin balaaran u jeediyay Gabdhaha jaaliyadda Puntland ee UK, ee udhisay xaruntaan oo degaanku baahi weyn u qabay. Waxaa kale oo ay maamulka gobolka Mudug iyo wasaaradda caafimaadka ugu baaqeen in adeeggii caafimaad xaruntaan usoo dhameystiraan.

Agaasimaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo, Dr, Maxamed Xuseen, wakiilna ka ahaa wasaaradda caafimaadka Puntland, ayaa sheegay xaruntaan caafimaad ee laga hirgaliyay Godad inay qeyb ka tahay barnaamijka isku tashiga shacabka Puntland ku caan baxay. Agaasimuhu wuxuu ballanqaaday inay kaalin weyn ka qaadandoonaan horumarinta xaruntaan.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Xasan Maxamed Khaliif, ayaa bogaadiyay dhismaha xaruntaan caafimaad, isagoo gabdhaha jaaliyadda Puntland ee UK ku ammaanay inay kaalin lama ilaawaan ah kaga jiraan taageerada shacabkooda, Guddomiyuhu waxaa uu ballanqaaday inay shaqaale u tababaridoonaan xaruntaan islamarkaana la qalabayndoono.

Godado oo dhinaca Bari uga beegan Gaalkacyo waxay kamid tahay degaanadda laamiga ka durugsan fog ee uusan adeegga caafimaadku si fiican usoo gaarin. Shacabka degaankaas ayaa adeegga caafimaadka usoo aadi jireen Gaalkacyo, waxaase ugu daran hooyooyinka Uurka leh oo marka ay dhalayaan Gaalkacyo loosoo qaado iyagoo dhibaato la kulma inta jidka lasoo marsiinayo.

4-1.jpg 5.jpg 6.jpg 7.jpg 8.jpg 9.jpg 10.jpg 11.jpg 12.jpg 13.jpg 14.jpg 15.jpg 16.jpg 17.jpg 18.jpg 19.jpg 20.jpg 21.jpg 22.jpg 23.jpg 24.jpg 27.jpg 28.jpg 1-1.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this