Deeq A. Posted February 26, 2018 Garowe (Puntlandi) Warsidaha Puntlandi ayaa raadiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in 10 kamid ah Maxaabiistii Shabaabka ahaa ee ku xirnaa Garowe ay baxsadaan. Maxaabiistaan oo ahaa kuwo loo sameynayay dhaqan celin, da’doouna ay udhexeysay 17,18, iyo 19 jir, kuna xaraysnaa guri kuyaala Garowe, ayaa qeyb ka ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Suuj iyo Garacad ee sannadkii 2016 ku dhexmaray Puntland iyo kooxda Alshabab. Weriyaha Puntlandi ee Garowe ayaa xidhiidh qadka taleefonka la sameeyay taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe Dhamme Maxamuud Muuse Bille, wuxuuuna u xaqiijiyay arrintaan inay jirto, balse ay ciidanka iyo saraakiishu wadaan baariraan xoogan oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysa arrintan. Taliyuhu wuxuu sheegay inuusan kala cadayn karin in carruurtaas Shabaabka ahaa si ula kac ah ooda looga qaaday ama inay iyagu ka baxsadeen, waxaase uu cadeeay inay hayaan hal qof oo looga shakisan yahay inuu kamid ahaa iyaga oo ay saakay ciidamadu soo qabteen. Hay’adda Unicef ayaa Carruurtaan Shabaabka ah oo tiradooda guud ahayd 60 horey loogu wareejiyay masuuliyadooda, kadib markii ay dowladda Puntland, si ay dhaqan celin ugu sameyso. Puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites