Deeq A.

Sidee argagixisada Al-Shabaab ku heleen dirayska ciidanka booliska ee ay gashadeen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerarkii Habeenkii Jimcaha todobaadkii la soo dhaafay Al Shabaab ay ku qaadeen nawaaxiga Madaxtooyada iyo agagaarka Xarunta Nabad Suggida ee Habar Khadiijo, ayaa raggii fuliyay waxa ay wateen dareeska ciidamada Booliska Somaliya, hadaba Su’aasha mudan in la isweydiiyo waxa ay tahay Sidee Shabaab ugu suuragashay inay helaan dareeska ciidamada Booliska kuwii ugu dambeeyay? Saraakiil ciidamada Booliska ka tirsan ayaa xaqiijiyay ragga weerarka fuliyay dareeska ciidan ee ay wateen inay ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee ciidamada Booliska la siiyay, ayna ku mareen Dabaaldegii ciidamada ee la qabtay 20-kii December sanadkii 2017-kii.

 

Haddaba iyadoo ciidamada Booliska nin kasta oo ka mid ah la siiyo hal joog oo darees ciidan ah, ayaa dadka waxa ay isweydiinayaan halka ay ka keeneen ciidamada Al Shabaab dareeska ciidamada Booliska. Xoogaga Shabaab ayaa dhaqaalo iyo juhdi badan ku bixiya helida dareeska ciidamada, waxayna adeegsadaan hadba dareeska u fudud ee ay heli karaan, kuna fulin karaan weeraro argagixisinimo. Shabaab waxa ay og yihiin in ciidamada Militariga loo diiday inay hub ku dhex qaataan Magaalada Muqdisho gudaheeda, sidoo kalena aysan heli Karin dareeska ciidamada NISA iyo ciidamada Imaaraadka ay tababareen, taasi bedelkeeda waxa ay xoogga saareen sidii ay ku heli lahaayeen dareeska ciidamada Booliska, waana ay u suuragashay sida ay doonaan haku helaan, ugu dambeyna waa ay ku fuliyeen weerar.

 

Waxaanan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan dabagalka la xiriira halka Shabaab ay ka keeneen dareeska ciidamada Booliska, inkastoo suuragal ay tahay inay tosheen naqshada dareeska sidaasina ay ku heleen. Saraakiisha ciidamada Booliska illaa hadda ma hayaan jawaabta ah sida Shabaab ay ku heleen dareeska ciidamada, laakiin ma jirto cid isweydiisay iyo dabagal dheeri ah oo arrintaasi lagu sameeyay, laakiin Madaxda dowladda ayaa la soo shir tagay inay fashiliyeen weerarkaasi, sidii in furin dagaal ay tahay Magaalada Muqdisho. Dhacdooyinka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Al Shabaab ay ka gaystaan Muqdisho oo ah kuwa hadba naqshado kala duwan u addeegsadaan, ayaanan jirin tixraac iyo dabagal badan oo ku aadan baarista weerarada dhaca iyo xogta laga heli karo, kadib marka weerarka uu dhaco.

 

Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

No one will ever investigate. 

 

Quote

laakiin Madaxda dowladda ayaa la soo shir tagay inay fashiliyeen weerarkaasi, sidii in furin dagaal ay tahay Magaalada Muqdisho.

 

So true. The bar is set so low and the politicians get away with it. The Khayre guy went on another tour to UAE while families are fresh grieving. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow xamar has lost its fear factor. it is a dog-eat-dog war zone. it will never become stable so it is time to move capital to somewhere else. we always say lets move but never do nothing niyoow. time to seriously move capital to even small town tuulo. let the bakara and shabab duke it out. it is not financially good for bakara merchants of murder to have stable movement and these people in bakaara will put anything even their own kids before profits. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.