Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ku guulaystay Imtixaankii ay qaadday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijadii ka soo baxday imtixaan ay dhowaan ka qaadday 242 arday ah oo u tartamayey tababar ku saabsan duulista hawada iyo garoomada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 10 arday oo keliyah ay ku soo baxeen darajooyinkii la rabay ee imtixaanka,islamarkaana ay ku guulaysteen in tababar loogu qaado dalka Turkiga,sidoo kalena ay jiraan 20 arday oo ku soo xiga,kuwaasoo loo tixgelin doono haddii uu soo baxo tababar kale.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland,Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Garaash) oo ka hadlay munaasabadda lagu shaacinayey natiijadii ka soo baxday imtixaanka ayaa sheegay in ardayda la qaatay ay ku heleen aqoontooda iyo dadaalkii ay muujiyeen,isagoo caddeeyay in imtixaanka si hufan oo caddaalad ah loo qaaday.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

Hoose ka eeg magacyada ardayda.

Waraaqda.jpg?resize=714%2C960

PUNTLAND POST

The post Yaa ku guulaystay Imtixaankii ay qaadday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this