Sign in to follow this  
Deeq A.

 Kooxda Alshabaab oo shaaciyey magaca & Beesha Is-miidaamiyihii isku qarxiyey Isgoyska KM 0 ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey isgoyska KM 0 oo u dhow xarunta NISA ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Alshabaab ee Idaacadda Andalus ayaa baahisay barnaamij gaar ah oo ku saabsanaa weeraradii jimcaha lagu qaaday magaalada Muqdisho, oo lala beegsaday madaxtooyada iyo xarunta NISA.

Alshabaab ayaa sheegtay in ninkaasi lagu magacaabi jiray Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo Ku magac dheer( Cadiyatullaah) isagoo ka jeeda beesha Mareexaan ee degto gobolka Gedo oo ah beesha madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kasoo jeedo.

Ninkan oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inuu is-miidaaminta u sameynayo inuu Alle ugu dhawaado, isla markana uu kula dirirayo Gaalada dalka ku soo duushay iyo dowladda dabadhilifka u ah sida uu yiri.

Alshabaab ayaa inta badan faafiya muuqaalada, wereysiyo iyo dardaran laga qaado xubnaha ka tirsan ee fuliya weerarrada is-miidaaminta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post  Kooxda Alshabaab oo shaaciyey magaca & Beesha Is-miidaamiyihii isku qarxiyey Isgoyska KM 0 ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this