Sign in to follow this  
Deeq A.

(Akhriso) 10 arday ee ku guulaystay Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maantay shaacisay Natiijada kasoo baxday Imtixaan loo qabtay arday tababar loogu qaadayo dalka Turkiga.

Ardaydaan oo laga qaadanayo maamul gobaleedyada iyo Magaalada Muqdisho ayaa tababar loogu qaadayaa Dalka Turkiga oo ay kusoo qaadan doonaan tababar ku saabsan duulista hawada iyo Garoomadda.

Imtixaankaan oo ay galeen 280 arday ayaa waxaa ku guulaysta 10 arday oo galay kaalimaha ugu sareeya kuwaas oo maantay ay soo bandhigtay Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomada Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Imtixaankaan uu u dhacay si cadaalad ah islamarkaan 10-kaan qof ay kusoo bexeen aqoontooda.

Marka laga soo tago 10-kaan arday kaalimaha ku guulaystay waxaa ay wasaaraddu sidookale soo bandhigtay 20 arday oo iyaguna noqon doonta fursad sugayaal,iyadoo 32-daan qof loo gudbiyey Dowladda Federalka Soomaaliya.

Tobankaan arday oo afar kamid ah ay yihiin gabdho ayuu wasiirku yiri”Gabdhuhu waxay Umma baahna in qoondo loo sameeyo ee waxay u baahan yihiin in cadaalad loo sameeyo”

Hoos ka akhriso

28279011_2051650441739053_45187649312795

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this