Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Kheyre uga qorsheysan cidii ku lugyeelataa weeraradii ugu danbeeyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa shaaca ka qaaday in sharciga uu kala saari doono cid waliba oo lagu tuhmo weeraradii ugu danbeeyay ee kadhacay afafka hore ee Villa Somalia iyo KM0 ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in cid waliba oo looga shakiyo weerarkaasi la marin doono waxa uu qabo sharciga dalka, waxa uuna tilmaamay inay muhiim tahay in gacanta lagu dhigo cid waliba oo si dhow ula shaqeysa waxa uu ugu yeeray ‘’Cadowga’’.

Kheyre waxa uu tilmaamay inaanu suuragal aheyn in dhagar qabe maskaxdiisa la dhalanrogay uu ku dhiirado xasuuqa shacab farabadan, waxa uuna cadeeyay in ujeedka Shabaab ay tahay ciribtirka shacabka Soomaaliyeed.

‘’Dowladu wey ka miro dhalin doontaa dadaalka ay kusoo saareyso shaqsiyaadka looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha weerarka, waxaan shacabka ka codsaneynaa inay garab nagu siiyaan soo afjarida rajada argagixisada’’

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay in wixii dhacay ay kula xisaabtami doonaan Hay’adaha amniga, gaar ahaan Booliska oo la isticmaalay dareeskooda cusub.

Sidoo kale, shacabka ayuu ugu baaqay inay iska soo dhex saaraan waxa uu ugu yeeray argagixisada Somalia ee al-Shabaab kuwaa oo uu ku sifeeyay inay yihiin kuwo aad u arxan daran.

Dhinaca kale, Kheyre ayaa cod dheer ku sheegay inay ku howlgali doonaan Natiijada kasoo baxda baaritaanada ay wadaan Hay’adaha amniga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Maxaa Kheyre uga qorsheysan cidii ku lugyeelataa weeraradii ugu danbeeyay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this