Sign in to follow this  
Deeq A.

Guterres oo shaaciyay ku dhaqaaqida talaabo aad uga farxin doonta ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inay kordhinayaan taageerada ay siiyaan ciidamada Somalia.

Antonio Guterres, waxa uu sheegay in QM ay aad uga walaacsan tahay amni darada ka jirta Somalia, waxa uuna carab ***** si looga baxo dhibta inay kordhinayaan taageerada.

Antonio Guterres, waxa uu si gaara u sheegay inay kordhin doonaan taageerada dhinacyada sahayda iyo lacagaha isugu jirta ee ay siiso Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybahooda kala duwan.

Wuxuu Mr Antonio Guterres farta ku goday in QM ay ka go’an tahay isgarabtaaga ciidamada Somalia, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in Somalia laga hirgaliyo amni waara.

‘’Waxaan ahmiyad gaara u aragnaa in la taageero ciidamada Somalia, si wax badan looga qabto la dagaallanka argagixisanimada’’.

Antonio Guterres, waxa uu ammaanay Ciidamada ammaanka Somalia gaar ahaan kuwii ka jawaabay weerarkii maleeshiyada al-Shabaab 23-kii bishan ay ku qaaadeen meel waxyar u jirta Madaxtooyada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxda Qaranka Somalia ayuu sheegay mar walba in ay ku fakarayaan oo ay ku dadaalayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Guterres oo shaaciyay ku dhaqaaqida talaabo aad uga farxin doonta ciidamada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this