Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Muqdisho oo yeelaneysa ciidamo cusub oo si gaara u tababaran (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ‘’Eng. Yariisow’’  ayaa sheegay inay xooga saarayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Eng. Yariisow, waxa uu sheegay inay dhameeyen qorshaha lagu xaqiijin lahaa amniga Gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in iminkaba ay diyaariyeen ciidamadii sugi lahaa amniga magaalada Muqdisho.

Waxa uu Eng. Yariisow, carab ***** inay mudnaanta koowaad siinayaan arrimaha amniga, waliba si ka duwan sidii hore.

‘’Waxaan shacabka ugu bishaareyneynaa inaan diyaarinay ciidamo isku dhaf ah oo sugaya ammaanka guud ee magaalada Muqdisho si looga hortago Arbushaad dhacda’’.

Eng. Yariisow, wuxuu sheegay inay wadaan daraasad ah darseynta oo ah degmooyinka ugu dhibka badan, casharada laga baran karo dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii shacabka loogu dhiiragalin lahaa in ay ka shaqeeyaan ammaanka.

Waxa uu intaa raaciyay Eng. Yariisow in ay diyaariyeen Ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 2,200, kuwaasi oo dardar gelinaya Barnaamijka xasilinta oo sanadkii hore si xowli ah ku socday.

Sidoo kale, Eng. Yariisow wuxuu kaloo sheegay marka loo fiiriyo Dowlad Goboleedyada keliya in ay yihiin maamulka degmooyinkiisa dhammaan gacanta ku haya oo aysan ka baqeyn in Shabaab ay soo weeraraan magaalada, balse keliya ay walaac ka muujinayaan in si qaldan shacabka dhexdooda ay uga geystaan qaraxyo.

Haddalka Eng. Yariisow, ayaa imaanaya iyadoo uu Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre maalinimadii shalay kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Magaalada Muqdisho oo yeelaneysa ciidamo cusub oo si gaara u tababaran (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this