Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug” Waxaan Ganacta ku dhignay Burcadii labixijirtay Batariyadii kujiray Nalalka kuxiran Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gal mudug ayaa sheegay in howlgalo ay Ciidamada Gal mudug ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo  ay ku soo qabteen rag xiliyada habeenkiiya Nalalka Soolarka ah ee kuxiran wadooyinka Magaalada Cadaado kala bixi jiray Batariyada kujira.

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo Magaalada Gaalkacyo kulahadlay Warbaahinta ayaa shacabka ugu baaqay in ay soo sheegaan ragaasi Burcada ah ee labaxaya Batariyada kujiran Nalalka kuxiran Wadooyinka Magaalada ee ka qayb qaadanaya bilcda Magaalada iyo Amniga.

Sidookale Duqa degmada ayaa shacabka  waxa uu faray in ay Biyaha wasaqaysan ee fariista meelaha gododka ah laga sii daayo si aysan uga dhalan cudurada faafa.

      Xirsi Yuusuf Barre duqa gaalkacyo

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this