Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Gudoomiyaha Gobolka Bari Oo Shir deg deg ah isugu yeeray Shirkadaha Qan daraaslayaasha ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka gobolka Bari ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Dhamaan Shirkadaha Qandaraas layaasha ah ee  ka howlgala gudaha Magaalada Bosaaso.

Shirkan ayaa ka dhici doona xarunta Rugta ganacsiga ee Magaalada Bosaaso.

Maamulka ayaa sidookale kulanka ku casuumay Culimaa udiinka  Puntland ee Magaalada Bosaaso.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay sidii looga tashan laaha dayactirka Wadada hal bowlaha ah ee dhexmarta Gudaha Magaalada Bosaaso oo ah wadada kaliya ee magaalada  laga soogalo lagana baxo.

Gudoomiyaha gobolka bari  Yuusuf Maxamed Wacays Dhado ayaa ku amray in shir ka dahaasi ay soo xaadiraan shirkaasi, si loo Qiimeeyo dhaqalaha ku baxaya dhismaha wadadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inaysan ka soo qayb gali doonin Shirkan Shirkadihii aan ka qayb qaadan bad baadinta doonidii ku soo Caariday xeebta magaalada Bosaaso  4tii bishan .

Halkan ka dhagayso Gudoomiyaha hadalkiisa.

      Gudomiye dhado

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this