Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Uganda oo markii u horraysay ciidamo cirka ah u soo dirtay Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka difaaca cirka ee Uganda ayaa guutadii ugu horraysay u soo diray Soomaaliya,si ay u taageeraan hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Guutadan cirka ayaa waajibaadkoodu yahay sahminta waddooyinka saadku u maro ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,gaarsiinta gurmadka caafimaad,soo badbaadinta askarta go’doonta iyo duqeynta Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda difaaca Uganda.

Ciidanka oo isugu jira duuliyaal rag iyo dumarba leh oo wata diyaaradaha helicopters ayaa shalay lagu wareejiyay hoggaanka sare ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,waxaana Wasaaradda difaaca Uganda ay sheegtay in diyaaradaha helicopters ay cirka ka taageeri doonaan ciidamada dhulka kala dagaallamaya Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Uganda oo markii u horraysay ciidamo cirka ah u soo dirtay Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this