Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Amaanka oo Howlgalo cuslus xalay ka sameeyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgalo cuslus waxa ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid qursheeysan oo ay sameeynayeen ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socdo Ciidamada xasilinta iyo Booliska Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa ahaa amar uu shalay bixiyay Ra’isilwasaare Kheyre oo ah in la sugo amn iga caasimada islamarkaasina la qaado tilaabooyin dheeraad ah oo amniga Muqdisho lagu xaqiijinayo.

Howlgalada ayaa waxa ay ciidamada amaanku ka sameeynayay Xaafado dhaca degmooyinka Yaaqshid iyo Dharkiinleey.

Ciidamada ayaa guri guri u galayay xaafadaha iyaga oo baarayay sidoo kale dadka iyo Gaadiidkaba.

ciidamada ayaa soo qabtay dad badan oo looga shakisanyahay in ay qeeyb ka yihiin falalka amni daro ee Muqdisho.

Ha’addaha amaanka wali faah faahin kama bixin howlgalkaasi iyo sida uu u dhacay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamada Amaanka oo Howlgalo cuslus xalay ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this