Sign in to follow this  
Deeq A.

Ducaale ” Xilibaanadda DFS diidan uma ogolaanayno inay Nairobi ka dumayaan dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Xildhibaan Adan Barre Ducaale ayaa ka hadlay siyaasiin ka soo horjeedo dowlada oo shirar uga soconayo Magaalada Nairobi.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in aanay u dul qaadan doonin in siyaasiin iyo xildhibaano dowlada ka tirsan in ay shirar Nairobi ku qaataan islamarkaasina dowlada ka soo horjeeystaan.

” Xilibaanadda Soomalida ee dowladooda diidan uma ogolaanayno inay Nairobi ka dumayaan dowladda Farmaajo iyo Kheyre. Waan ku kalsoonahay Farmaajo iyo Kheyre shaqo fiican ayayna hayaan “ ayuu yiri XIldhibaan Aadan Barre Ducaale.

Hadalkaan ayaa ka soo beegmaya xili magaalada Nairobi ay ka dhacayaan shirar kala duwan oo looga soo horjeedo Dowlada Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Ducaale ” Xilibaanadda DFS diidan uma ogolaanayno inay Nairobi ka dumayaan dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this