Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta Puntland oo ka digay in wakhtiga doorashadadib loo dhigo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Puntland Focus Group oo ay ku mideysan yihiin inta badan Siyaasiyiinta aan ahayn muxaafidka xukuumada ayaa warsaxaafadeed aysoo saareen waxay ka digeen in Xukuumada hada xilka haysaa ay dib u dhigto xiliga doorashada ama ay isku day’do in la kordhiyo mudada Madaxtinimada.

Warsaxaafadeedka oo ay ku saxiixan yihiin Masuuliyiin horey xil uga soo qabtay Puntland, qaar Murashixiin ah 2019-ka iyo Siyaasiyiin kale , ayaa waxay muujiyeen walwalka ay ka qabaan in Xukuumadu ay khalkhal galilso xiliga doorashada si mudada ay ukordhisato, taasoo ay sheegeen iney ka digayaan in talaabo noocaas ah ay xukuumadu isku day’do.

Dhinaca xukuumada oo Puntlandi la xiriiray si aan wax uga waydiino eedaymaha ay Mucaaradku usoo jeedinayaan, way ka gaabsadeen iney waxtafaasiil ah ama jawaab nasiiyaan,

Warasaxaafadeedka halkaan riix isagoo buuxa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this