Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo runta u sheegay Wasiirka amniga & Taliyayaasha Hay’adaha NISA & Booliska (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan uu albaabada u xiran yahay la qaatay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Nabadsugida iyo Booliska.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), waxaana looga hadlay weerarkii maalin ka hor ka dhacay afafka hore ee Villa Somalia iyo Hay’adda NISA.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa labada Taliye ee NISA iyo Booliska wax ka weydiiyay Qaraxa, waxa uuna su’aal ka keenay halka ay maleeshiyaadka ka keeneen dareeska ay ku qaaden weerarka oo ahaa darees cusub oo dhawaan loo qeybiyay Booliska.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Taliyaha Booliska ku wargaliyay in looga fadhiyo cadeynta halka laga keenay dareeska ciidamada Booliska oo ay weerarka ku fuliyeen al-Shabaab.

‘’Taliyaha Booliska waxaan uga fadhinaa inuu warbixin cad ka keeno halka laga bixiyay dareeska cusub ee Booliska, waxaan sugeynaa waa in nalasiiyaa cadeymo aan ku qancikarno tani ma noqon doonto mid aan indhaha ka qabsano in dhar aan lawada siin ciidamada ay isticmaalan al-Shabaab’’

Wasiirka amniga Xukuumada Somalia ayaa sheegay in ciidamada dowlada laga doonaayo in ay ka feegijnaadaan isku dhac dhaxedooda ah, taasi bedelkeedana hubka ay wataan looga baahan yahay in ay ku difaacaan shacabka, si shacabka ay u helaan hurdo aan laheyn cabsi.

Waxa uu sheegay in la doonaayo in la dardar geliyo Howlaha amniga, wixii maanta ka dambeeyana Muqdisho ay ka bilaabanayaan Howlgallo culus.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ka dalbaday Taliyeyaasha iyo Ciidamadooda in ay ka shaqeeyaan dardar gelinta amniga, iyada oo Xukuumadddu ay diyaar u tahay in ay garab taagnaato Ciidamada,

“Laakiin marka hore inta aadan amniga sugin waa inaad adkeysaan wadashaqeyntiina, qalabkan iyo qoryahan dhaqaalaha canshurta ummadda Soomaaliyeed laga aruuriyay oo idinka la idinkugu dhiibay inaad amniga ku sugtaan, waxaan adinka iyo Taliyeyaashiina adinka codsaneynaa marka hore in laga feejignaando inaanay dhicin isku dhac Ciidamo kala duwan, qalabkan waxaad u heysataan inaad ummadda Soomaaliyeed kaga difaacdaan cadowga ijaafeeyay, Taliyeyaasha waxaan leeyahay waa inaad qaadaan talaabo walba oo suuragal ah.” Ayuu yiri Khayre.

Dhinaca kale, weerarka ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku qaaden Villa Somalia iyo afafka hore ee Xarunta NISA ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 28 ruux, halka dhaawaca uu gaaray 35 ruux.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Kheyre oo runta u sheegay Wasiirka amniga & Taliyayaasha Hay’adaha NISA & Booliska (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this