Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan doorka dadweynaha sarrraynta sharciga iyo la-dagallanka musuq maasuqa oo Garoowe lagu qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ku saabsan kor u qaadista maamul wanaagga iyo la-dagaallanka Musuq maasuqa,ka sarraynta shirciga ee doorka dadweynaha oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Puntland,Cabdixirsi Cali Qarjab,Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland,Sarreeye Guuto C/laahi Shire Dool,guddoomiyaha dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Faysal Axmed Warsame maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe iyo dadweyne kale.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn shirka ka hadlay ayaa sheegay in aan maamul wanaag la heli karin,haddii aan sharciga lagu dhaqmin,isagoo xusay in sarreynta sharcigu tahay dhidibada dowladnimada.

Mudane.Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ku baaqay in shacabku ay dowladda ku gacan-siiyan sidii loo heli lahaa maamul wagaag,islamarkaana loo cirib-tiri lahaa musuq maasuqa,wuxuuna tilmaamay in shirar badan oo noocan ah ay horay ugu soo qabteen qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Guddoomiyaha dallada ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSA,Faysal Axmed Warsame oo shirkaan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in bulshada Puntland u baahantahay la-xisaabtan dhab ah iyo daah-furnaan,si loola socdo shaqada dowladdu u hayso shacabkeeda,isagoo mas’uuliyiinta ku booriyay in ay dulqaad u muujiyaan arrimahaasi.

Taliyaha Booliiska Puntland,Sarreeyey Guuto Cabdullaahi Shire Dool oo ku hadlayey afka hay’adaha amniga ayaa sheegay in shaqadooduba tahay ilaalinta sharciga,si loo dhowro nidaamka iyo dowladnimada.

Kusimaha duqa caasimadda ahna guddoomiye ku xigeenka golaha degaanka degmada Garoowe Cismaan Maxammed ayaa isaguna shirka ka sheegay in ay ka go’antahay ku dhaqanka sharciga iyo ilaalinta nidaamka,maadaama ay yihiin adeegayaasha bulshada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland,Cabdixirsi Cali Qarjab oo shirka soo xiray ayaa ballan qaaday in wasaaraddiisu ay wakhti badan gelinayso sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa dhibaatada musuq maasuqa,looguna baarujin lahaa muhiimadda maamul wanaagga iyo sarreynta sharciga.

Halkaan ka daawo muuqaalka shirka 

Hoos ka eeg sawirrada.

IMG_1963.jpg?resize=720%2C480 IMG_1964.jpg?resize=720%2C480 IMG_1972.jpg?resize=720%2C480 IMG_1976.jpg?resize=720%2C480 IMG_1977.jpg?resize=720%2C480 IMG_1979.jpg?resize=720%2C480 IMG_1980.jpg?resize=720%2C480 IMG_1982.jpg?resize=720%2C480 IMG_1983.jpg?resize=720%2C480 IMG_1989.jpg?resize=720%2C480 IMG_1992.jpg?resize=720%2C480 IMG_1993.jpg?resize=720%2C480 IMG_1995.jpg?resize=720%2C480 IMG_1997.jpg?resize=720%2C480 IMG_1999.jpg?resize=720%2C480 IMG_2000.jpg?resize=720%2C480 IMG_2003.jpg?resize=720%2C480 IMG_2006.jpg?resize=720%2C480 IMG_2010.jpg?resize=720%2C480 IMG_2012.jpg?resize=720%2C480 IMG_2017.jpg?resize=720%2C480 IMG_2024.jpg?resize=720%2C480 IMG_2028.jpg?resize=720%2C480 IMG_2032.jpg?resize=720%2C480 IMG_2033.jpg?resize=720%2C480 IMG_2037.jpg?resize=720%2C480 IMG_2041.jpg?resize=720%2C480 IMG_2043.jpg?resize=720%2C480 IMG_2046.jpg?resize=720%2C480 IMG_2049.jpg?resize=720%2C480 IMG_2051.jpg?resize=720%2C480 IMG_2054.jpg?resize=720%2C480 IMG_2059.jpg?resize=720%2C480 IMG_2066.jpg?resize=720%2C480 IMG_2068.jpg?resize=720%2C480

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan doorka dadweynaha sarrraynta sharciga iyo la-dagallanka musuq maasuqa oo Garoowe lagu qabtay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this