Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso -:Xildhibaan Dalxa”Oo tilmaamay waxa sabta u ah Amnixumada ka jirta Caasimadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaaciyey arrin ay ku xiran tahay amniga caasimadda Muqdisho oo weerarro iyo qaraxyo joogto ah ay ku hayaan Alsahbaab.

Xildhibanka ayaa sheegay in amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo la sugo ay ku xiran yahay in marka hore la xaqiijiyo amniga Gobolada Shabeellooyinka oo ah halka laga soo galo Muqdisho, lagana soo abaabulo weerarrada Alsahbaab.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto ammaanka Gobolada Shabeelooyinka, haddii la doonayo in laga hortago ami darrada ka jirta caasimadda.

Hadalka xilibaanka ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay magaaladda muqdisho ay kadhaceen qaraxyo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ay fuliyeen kooxda al shabaab.

DHAGEYSO

http://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2018/02/Xildhibaan-Dalxa-25-02-2018-ok.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dhageyso -:Xildhibaan Dalxa”Oo tilmaamay waxa sabta u ah Amnixumada ka jirta Caasimadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this