Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawirro) Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Nugaal oo xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabadaan ay  xilalka kula wareegayeen gudoomiyihii hore ee waxbarashada Gobalka Nugaal iyo Gudoomiyaha Cusub ayaa waxaa ay maantay ka dhacday xarunta gudoonka waxbarashada gobalka Nugaal ee Magaalada Garoowe.

Munaasabadaan ayaa waxaa goob ka agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxamed Cali Faarax,Gudoonka waxbarashada ee gobalka Macalimiin,Maamulayaal iyo Arday.

Xaashi Xuseen Faarax Gudoomiyihii hore ee Waxbarashada Gobalka Nugaal ayaa ka warbixiyey waxyaabihuu u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay,isagoona si rasmi ah xilka ugu wareejiyey gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha Cusub ee Waxbarashada Gobalka Nugaal Cabdisamad shiikh Xaamud oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ka codsaday bahda waxbarashada gobalku inay la shaqeeyaan waxaana uu balan qaaday in waxbarashada gobalka uu gaarsiin doono heer caalami ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa bogaadiyey waxqabadka uu soo bandhigay gudoomiyihii hore isagoona gudoomiyaha cusub kula dardaaramay inuu xilka loo igmaday uu si daacad ah u guto.

Daawo Sawirro.

IMG_6993.jpg IMG_6995.jpg IMG_6996.jpg IMG_6997.jpg IMG_6998.jpg IMG_6999.jpg IMG_7000.jpg IMG_7003.jpg IMG_7005.jpg IMG_7007.jpg IMG_7008.jpg IMG_7012.jpg IMG_7014.jpg IMG_7015.jpg IMG_7029.jpg IMG_7037.jpg IMG_7044.jpg IMG_7047.jpg IMG_7050.jpg

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this