Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda federaalka ah Oo Diyaarineysa Saraakiil Baareysa Dadka Isticmaalaya Dukumintiyada Been Abuurka Ah-:Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasomadda Online)-Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Saraakiil katirsan Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ,kuwaa oo tababar loogu qaaday dalka Tanzaaniya.

Tababarkan oo socon doona 26 February _ 02 March 2018 ayaa waxa lagu baran doona hubinta dukumintiyada been abuurka ah iyo kala saarida dadka wata basaboorada isku e-kaanshaha ah (imposter).

Ku xigeynka agaasimaha Guud ee Hay’adda Ibrahim Xuseen oo sii sagootiyay saraakiishan ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay si wanagsan u soo bartaan tababarka loo diiray oo ah mid muhiim ah oo looga hortagaayo in dad wata dukumintiyo sharci daro ah ay ka dhoofaan dalkeena.

jinsi-1.jpg?resize=696%2C521&ssl=1 jinsi-2.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 1-95-750x430.jpg?resize=696%2C399&ssl=1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Dowladda federaalka ah Oo Diyaarineysa Saraakiil Baareysa Dadka Isticmaalaya Dukumintiyada Been Abuurka Ah-:Sawiro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this