Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga Dhismaha Wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo Oo lagu Wareejiyay Maanta Xoolo nool oo isugu jira Geel iyo Ari

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa maanta lagu wareejiyay  Xoolo nool oo isgu jira Geel iyo Ari.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Carawayn iyo Tiicaanyo ayaa Gudiga dhismaha Wadada Ceeldaahir ku wareejiyay 4 Neef oo Geel ah iyo 50 Ari ah oo ay uga qayb qaadanayaan dhismaha Wadadan.

Waxgaradka deegaanka ayaa sheegay  in ay sii wadi doonaan taageerada iyo garab istaaga gudiga ku howlan dhismaha Wadadan ayna kubixin doonaan muruq iyo maal wax kasta oo ay awoodaan.

Gudiga  ayaa dhankooda  uga mahad celiyay shacabka deegaankaasi taageerada ay markasta lagarab taaganyihiin .

Dhismaha Wadada Ceel daahir iyo Ceerigaabo ayaa meel gabo gabo ah maraysa , waxaana dhismaha wadadan iska kaashanaya  dowladda Puntland iyo Shacabkeeda, taas oo lagu dhisay halku dhigii Madaxweyne Cabdiwali Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this