Sign in to follow this  
Deeq A.

Afduub iyo kufsi loo geysanayo gabdhaha yaryar oo si aad ah looga dareemay gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Puntlandi) In ka badan sideed gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 9- ila 12-jir, ayaa lagu afduubtay labdii biilood ee u danbeeyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, qaarkoodna waxaa loo gaystay kufsi iyo jirdil xoog leh.

Falalkaan isugu jira afduubka iyo kufsiga oo dhacay waqtiyo isu dhow, ayaa la ogayn sababta ka dambeysa, waxayna arrintaan cabsi weyn ku abuurtay waalidiinta oo hadda ka joojiyay carruurteeda inay bannaanka udiraan , si ay uga badbaadiyaan halista ku foogan.

Sahro Isaaq oo 10 sano jir ah ayaa kamid ah carruurta laga afduubtay gobolka Shabellada dhexe gaar ahaan tuulada Qalimow oo ku dhow Balacad. Afar Nin ayaa xoog ku afduubtay, laakiin markii ku dhow yihiin jawhar ayay qaylisay kadibna gaariga ayay ka tuureen.

Dad wadada marayay oo maqlay qayladeeda ayaa Jowhar usoo qaaday halkaas oo haatan lagu hayo, iyadoo lagu raadinayo qoyskeeda.

Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo uusan ka jirin maamulo awood leh ayay caadi ka yihiin wax kasta oo sharci darro ah inay ka dhacaan.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this