Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ilaalada Madaxweyne Gaas Oo Garoowe ku Dhaawacay Wariye ka Tirsan Tvga Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Garoowe ee  Caasimada Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada gaarka ah  ee Madaxweyne C/wali Cali Gaas ay dhaawaceen  Wariye ka tirsan Tvga Maamulka Jubaland  Xafiiskiisa Magaalada Garoowe  oo lagu magacaabo  Wariye khaliif  Geele.

Arintan ayaa timid kadib markii mid kamid ah Askarta ilaalada Madaxweynaha ay ismaan dhaafeen Wariyahan xili uu rabay in uu soo galo goob ay ka socotay xaflad ay Arday ku qalinjabinaysay , waxayna intaasi  kadib xigtay in Ciidamadii goobta ku sugnaa ay siwada jir ah ujirdilaan Wariyahaasi.

 

Dhaawaca Wariye khaliif  Geele ayaa loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Magaalada Garoowe halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo.

ilaa iyo hada majirto cid ka tirsan dowladda oo ka hada shay Jirdilkan iyo dhaawaca  loo gaystay Wariyahan .

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this